Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Oo Lambarka 9-aad Real Madrid Xili Cayaareedka Dambe Uga Cayaari Doono

Cristiano Ronaldo Oo Lambarka 9-aad Real Madrid Xili Cayaareedka Dambe Uga Cayaari Doono


AS

Wargeska AS oo aad ugu warqabo tilaabooyinka uu qaadayo macalin Rafeal Benitez ee dhawaan hogaanka Real Madrid la wareegay ayaa daaha ka qaaday arin xiiso badan.

AS ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu xili cayaareedka dambe Real Madrid uga cayaari doono lambarka 9-aad sidoo kalena uu udub dhexaad u noqon doono weerarka kooxdan faca weyn.

Sidoo kale AS wuxuu ka dhawaajiyay in macalin Benitez uu ka taqalusi doono BBC oo sanadihii ugu dambeeyay ahaayeen weerarka Real ku tashato.

Macalinkan waaya araga ah ayaan qorshihiisa ku darsanin Karim Benzema iyo Grathe Bale wuxuuna donaa inuu sameeyo weerar cusub ee Cristiano Ronaldo hormuud ka noqon doono.

Sida aan kasoo xiganay AS macalin Benitez wuxuu Real Madrid cayaarin doonaa shaxda ah 4-2-3-1 taasi oo ka dhigan in Ronaldo kaligiis weerarka ka cayaari doono xili cayaareedka dambe.

Cristiano Ronaldo ayaa xili cayaareedkan kooxdiisa Real Madrid u dhaliyay 61-gool dhamaan tartamada kala duwan sidaa darteed hadii kaligiis weerarka laga cayaarsiiyo xili cayaareedka waa hubaal inuu dhalintiisa sare usii qaadi doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Cristiano Ronaldo Oo Lambarka 9-aad Real Madrid Xili Cayaareedka Dambe Uga Cayaari Doono

  1. Âbdâlêvîç Reply

    5-June-2015 at 9:01 pm

    Wooow warkaasa wara rafa benitez waxa u waxkabadly qaabka kooxda wuxuna kadhigi doonaa koox ka weerarka badan kii hore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>