Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Oo Shaki Laga Qabo Inuu Safto Kulanka Denmark

Cristiano Ronaldo Oo Shaki Laga Qabo Inuu Safto Kulanka Denmark


Ronaldo...

Kabtanka Xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka ay habeenka talaadada ah la leeyihiin Denmark kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 kadib dhaawac dhanka jilibka ah oo soo gaaray xidigaan.

Wiilka heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la badalay daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta, kulan ay xulkiisa guuldaro kala kulmeen France kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Paris, ciyaar 2-1 kusoo dhamaatay, xidiga Real Madrid ayaana dareemay xanuun lugta bidix ah.

Ronaldo ayaa si fiican culees loo saaray isagoo ciyaaray weerarka dhexe, inkastoo dhowr fursadood uu sameeyay hadana uma suuragalin inuu gool u dhaliyo xulkiisa.

29-jirkaan heerka caalami ayaa si xowli ah ku bilowday xili ciyaareedkaan horyaalka kadib markii uu 13-jeer shabaqa soo taabtay 7-0kulan oo uu ciyaaray.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>