Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo “Waan Sii Wadi Doonaa Wacdaraha Aan Haatan Masraxa Kubada Cagta Ka Dhigaayo!”

Cristiano Ronaldo “Waan Sii Wadi Doonaa Wacdaraha Aan Haatan Masraxa Kubada Cagta Ka Dhigaayo!”


CR

Gool dhaliyaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena ah laacibka xiligan caalamka ugu sareeyo Cristiano Ronaldo ayaa markale ku celiyay inuusan ku qanci doonin waxa ilaa haatan u qabsoomay.

Wuxuuna Xidigan doonayaa inuu heerka sare ee uu haatan taagan yahay inuu sii joogteeyo “Waxaan doonayaa inaan sii wato dhalinteyda wanaagsan iyo waxqabadkeyga aadka u sareeyo mana gaarin heer aan ku qanco waxa ii qabsoomay ilaa haatan”

Ronaldo ayaa ka qayb galay xaflad ay dhigtay majalada Marca taasi oo gudoonsiisay abaal marinada  Pichichi iyo Alfredo di Stéfano oo la siiyo xidiga ugu goolasha badan La Ligaha xili cayaareed walbo iyo laacibka ugu wanaagsan horyaalka Spain.

“Qof walbo hadaf ayuu ka leeyahay nolosha balse hadafkeyga wuxuu yahay inaan si joogto ah kubada u cayaaro sidoo kalena aan xili walbo ku guuleesto bilad walbo iyo koob walbo oo qiimo leh”

Ugu dambeyntii Ronaldo ayaa wargeska Marca u sheegay in kooxdiisa Real Madrid ay xili cayaareedkan difaacan karto koobka horyaalada Yurub sidoo kalena ay noqon karaan naadigii ugu horeeyay ee tartanka Yurub difaacdo xiligan casriga ah laga soo bilaabo 20-sano ee ugu dambeesay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>