Home » Maxaa Cusub » Crystal Palace Oo Wada Cad Ku Dirtay Liverpool Iyo Macalin Rodgers Oo Xaalka Kusii Xumaanayo

Crystal Palace Oo Wada Cad Ku Dirtay Liverpool Iyo Macalin Rodgers Oo Xaalka Kusii Xumaanayo


Palace

Kooxda Liverpool aya guuldaro lama filaan ah kala kulantay naadiga Crystal Palace, weliba Reds awood muuqato ayaa loogu sheegtay 3-1.

Aqbaarta wanaagsan oo ay Liverpool kulankan ka heshay ayaa ah in weeraryahankeeda Rickie Lambert uu bilaabay dhalinta goolasha balse bilawgii wanaagsanaa waxaa Liverpool u xigay inay niyad jab xoogan ku dhameesato 90-kii daqiiqo.

Rickie Lambert ayaa gool ku daah furay kulankan daqiiqadii 2-aad kadib markii uu baas wanaagsan ka helay Adam Lallana wuxuuna kubada u dhaliyay si qurxoon.

Liverpool ayaa u muuqatay inay kulankan sedexda dhibcood qaadan karto madaama ay si fir fircoon ku bilaawday.

Balse daqiiqadii 17-aad ayay wax walbo is badaleyn madaama kooxda Palace ay bar bar dhicii u bahneed ka heshay xidigeeda Gayle.

Qaybtii hore 1-1 ayay labadan koox ku ka nasteen markii la isku soo laabtay Liverpool ayaa dadaal dheeraad ah sameesay balse Reds labo qalad oo daafaceeda galeen ayay ku weesay sedex dhibcood oo qaali ah.

Liverpool let slip their lead against Crystal Palace on Sunday

Ledley ayaa hogaanka u dhibay kooxda Crystal Palace daqiiqadii 78-aad waxaana cayaarta 3-1 hadana ka dhigay Jedinak daqiiqadii 81-aad wuxuuna xidigan dhaliyay laad xoogan.

Liverpool ayaa ku andacootay in laga diday labo jeer rigoore lagu galay Sterling iyo Skrtel balse midaas uma noqoto macalin Rodgers madaama kooxdiisa haatan 3-kulan oo xariir ah laga badiyay Premiership-ka England.

Liverpool boss Brendan Rodgers

Macalinkan dhalinta yar maalin walbo cadaadiska aya kusii badinaayo waxayna haatan u badan tahay in maamulka Liverpool ay kalsoonida kala laaban doonaan hadii uusan isbadal deg deg ah la imaanin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>