Home » Horyaalada » italian Serie A » Daafaca Barcelona Dani Alves Oo Jeclaan Lahaa Inuu Ku Biiro Kooxda Ac Milan Ee Dalka Talyaaniga

Daafaca Barcelona Dani Alves Oo Jeclaan Lahaa Inuu Ku Biiro Kooxda Ac Milan Ee Dalka Talyaaniga


Alves

Daafaca reer Brazil ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda Milan sida uu ka dhawaajiyay qudhiisa kadib finalkii ay xalay Juventus kaga qaadeen magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Sky Sports Italia ayaa qortay in Milan ay aad u xiiseyneyso xidigaan heerka caalami ee sida xorta ah kaga tagi kara Bulgarana dhamaadka bishaan June.

Shalay ayey aheyd markii Halyeeygii hore Brazil Cafu uu ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa Alves oo xirtay maaliyada Milan.

“Farxad ayey ii ahaan laheyd inaan ku biiro Milan” Ayuu yiri Alves kadib ciyaartii Berlin, “Waxaa jire qorshe ka imanaya Italy, balse waan qiimeyn doonaa ka hor inta aan go’aan gaarin” Ayuu mar kale yiri.

Si kastaba Dani Alves waxaa sidoo kale xiiseynaya kooxaha Liverpool iyo Manchester United inkastoo Barca qudheeda ay damacsan tahay iney heshiis mudo gaaban ah ku abaalmariso.

Ugu dambeyntii Alves oo 31-jir ah ayaa haatan ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa wuxuuna go’aan gaari doonaa maalmaha soo aadan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>