Daafacii hore kooxda Manchester United Patrice Evra ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya xidigii hore Liverpool iyo xulka Uruguay Luis Suarez kaas oo caawa Barcelona u matali doona finalka koobka horyaalada yurub.
Labadaan xidig ayaa waqti xun kusoo wada qaatay horyaalka Ingiriiska marka laga hadlo xiriirkooda waxaana jirtay in Suarez uu cunsuray Evra kulan u dhaxeeyay Liverpool iyo United.
Evra ayaa diiday inuu salaamo Suarez kulan kale oo ay iska hor yimaadeen horyaalka England, balse miyey caawa dhici doontaa sidii oo kale.
“Waan gacan qaadi doonaa, waayo waxaan ahay qof ku xamaasha kubada cagta” Ayuu xidigaan reer France u sheegay Sky Sports.
“Sidii aan marar badan horay u sheegay waxaan ku kalsoonahay midabkeyga waxna iima dhibeyso, waxaan ka hor imanaya Barcelona, kaliya kama hor imanayo Suarez”
Si kastaba 34-jirkii hore Monaco ayaa shaaca ka qaaday in kulanka caawa uu u yahay mid muhiim ah isla markaana uu soo bandhigi doono qaabkiisa ugu fiican.
Ugu dambeyntiina labadaan kooxood waxey kusoo wada guuleysteen min laba koob oo horyaaladooda laga wada ciyaaro waxeyna mid walbaahi dagaal ugu jirtaa iney dhameystirto sadexley koobab ah.