Home » Maxaa Cusub » Daafaca Kooxda Man United Jonny Evans Oo Dalab Wanaagsan Ka Helay Kooxda Arsenal

Daafaca Kooxda Man United Jonny Evans Oo Dalab Wanaagsan Ka Helay Kooxda Arsenal


Jonny Evans

Jonny Evans wuxuu ka mid yahay xidigaha uu xagaagan macalin Luis Van Gaal iska fasixi doono sidaa darteed daafacan waaya araga ah dalab lama filaan ah ayuu kooxda Arsenal ka helay.

27-jirkan xulka Ireland ka tirsan joogis uma taalo garoonka Old Trafford madaama Man United ay baadi ugu jirto soo xero galinta Sergio Ramos iyo Nicolas Otamendi.

Sidaa darteed wargeska The Mirror ayaa ka dhawaajiyay in Arsenal ay ahmiyad siin doonto sidii ay Jonny Evans kula soo saxiixan laheyd waxayna dooneysaa inay kaga guuleesato naadiga Everton oo iyadana saxiixiisa qal qaalo ugu jirto.

Jonny Evans waxaa lagu qiimeeyaa £10m waana qiimo lacageed oo ay Arsenal si sahlan ku bixin karto sidoo kalena Gunners-ka xiriirka wanaagsan oo ay haatan la leedahay Man United ayay dooneysaa inay ka faa’iideesato.

Evans xili cayaareedkii dhawaa Man United 17-kulan ayuu u saftay waxaana ugu dambeesay kooxdiisa uu u cayaaro bishii Maarso ee sanadkan cayaar United wajahday New Castle waxaana markaas la ganaaxay 6-kulan madaama uu candhuuf ku tufay Papiss Cisse.

Sidaa darteed xidigan waa hubaal inuu kooxdiisa Man United ee uu mudo dheer ka tirsanaa inuu xagaagan macsalaameyn doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>