Home » Maxaa Cusub » Daafaca Kooxda Man United Marcos Rojo Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa

Daafaca Kooxda Man United Marcos Rojo Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa


Rojo

Marcos Rojo xagaagan ayuu kooxda Man United kusoo biiray wuxuuna ka mid yahay daafacyada ugu wanaagsan qaarada Yurub,sidoo kalena daafacan dhalinta yar wuxuu ka cayaari karaa boosas bada.

Rojo sumcadiisa waxay heer sare gaartay markii uu xulkiisa Argentina la gaaray Fiinalihii koobka aduunka ee xagaagan lagu qabtay dalka Brazil.

Blase waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah macluumaad ku saabsan madaama aan wax badan laga ogeyn:

Rojo waxay saaxiibo yihiin gabadha lagu magacaabo Eugenia Lusardo waana gabar u dhalatay dalka Argentina waxayna labadan lamaane saaxiibo yihiin sanooyin badan.

Sidoo kale Eugenia Lusardo iyo Rojo waa qoys dhameestiran madaama ay u joogto gabar yar oo haatan 2-jir ah waxaana lagu magacaabaa gabadhooda Morena.

Rojo waa aabe ku faraxsan qoyskiisa sidoo kalena haatan xaaskiisa Eugenia Lusardo iyo gabadhiisa Morena waxay kula nool yihiin magaalada London.

Eugenia Lusardo shaqadeeda waxay tahay inay sameyso Model oo ay dharka xayeysiiso balse inta badan gabadhaan waqtigeeda waxay siiseyaa qoyskeeda madaama ay haatan noqotay hooyo.

Rojo ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in saaxiibtiis Eugenia Lusardo ay garab weyn ku siisay sidii uu ku noqon lahaa cayaaryahan caan ah.

Wuxuuna sheegay in marwalbo ay caawin jirtay Eugenia Lusardo laga soo bilaabo wayihii uu kusoo qaatay dalka Argentina iyo sidoo kale kooxda Sporting Lisbon haatana daafacan awooda badan Man United ayuu si joogto ah ugu cayaaraa.

Dabcan Rojo wuxuu marwalbo guubaabo iyo dhiiri galin ka helaa xaaskiisa Eugenia Lusardo!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>