Daafaca kooxda Liverpool Mamadou Sakho dhaawac cusub ayaa lasoo kordhay waxayna Reds shaaca ka qaaday in xidigan uu garoomda ka maqnaan doono mudo bil ah.
Mamadou Sakho ayaa la daala dhacayo dhaawac dhanka muruqa hoose ah sidaa darteed nasiino afar todobaad ah ayuu u baahan yahay si uu dhaawacan dhibka badan kaga soo kabto.
25-jirkan nasiib xumo uma cayaari doono kooxdiisa Semi-finalaha FA Cup-ka kulanka ay la cayaari doonaan naadiga Aston Villa sidoo kalena kulamada Premiership-ka oo ay Reds wajihi doonto kooxaha West Brom iyo QPR ma cayaari doono.
Liverpool ayaa u rajo weyn in Mamadou Sakho uu soo kabto ka hor 10-ka bisha May kulanka ay la cayaari doonaan kooxda Chelsea Premiership-ka England waana sida haatan la qorsheeyay balse lama sheegi karo sida uu hormar dhaawac kaga sameyn karo daafacan.
Mamadou Sakho dhaawacan wuxuu soo gaaray todobaadkii hore kulan Liverpool la cayaartay naadiga Blackburn wareega 8-aad FA Cup-ka cayaar isku celis ahayd oo ay Liverpool 1-0 guusha ku qaadatay.