Home » Maxaa Cusub » Daafaca Man United Marcos Rojo Oo Lagu Ganaaxay Inuu Bixiyo £140,000 Iyo Sababta!!

Daafaca Man United Marcos Rojo Oo Lagu Ganaaxay Inuu Bixiyo £140,000 Iyo Sababta!!


Marcos Rojo

Daafaca reer Argentina Marcos Rojo ayaa la kulmay ciqaab xoogan madaama lagu ganaaxay inuu bixiyo £140,000.

Sababta loogu ganaaxay xidigan lacagahan xooga badan ayaa lagu sheegay in xidigan uu kasoo daahay safarkii uu Waqooyiga Ameerika kooxdiisa ugu raaci lahaa.

Marcos Rojo wuxuu ku guul dareestay in loo cusbooneesiiyo Pasport-kiisa wuxuuna qorshaha ahaa inuu xili hore Manchester kusoo laabto loona cusbooneesiiyo Pasport-kiisa si uu Visaha ama dal ku galka Mareekanka u helo.

Balanka wuxuu ahaa Rojo marka uu soo dhameesto fasixii kooxdiisa siisay inuu dalka Mareekanka usoo duulo Sabtigii si uu kooxdiisa safarka Mareenka ay ku joogto kala qayb qaato balse wuu sameyn waayay midaas oo isaga ayaa qaladka leh.

Sidaa darteed Man United waxay daafacan ku ganaaxday £140,000 inuu bixiyo madaama waajibkii laga rabay iyo balankii uu kasoo bixi waayay sababo isaga u gaar ah dhankiisa.

Lacagaha Rojo la ganaaxay ayaa ah labo todobaad mushaarkii uu qaadan lahaa in xidigan laga jaro madaama uu amarka kooxdiisa u hogaan sami waayay.

Macalin Van Gaal ayaa ka carooday in Rojo uu sabtigii magaalada San Jose ee dalka Mareekanka soo xaadiri waayay waana goobtii ay United tababarka ku qaadaneesay.

Sidaa darteed macalin Van Gaal ayaa amar ku bixiyay in Rojo labo todobaad mushaarkiisa garoonka Old Trafford laga jaro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>