Home » Horyaalada » La Liga Spain » Daafaca Xulka Jarmalka Iyo Kooxda Valencia Shkodran Mustafi Oo Ku Faraxsan In Lala Xariirinaayo Real Madrid

Daafaca Xulka Jarmalka Iyo Kooxda Valencia Shkodran Mustafi Oo Ku Faraxsan In Lala Xariirinaayo Real Madrid


Shkodran Mustafi

Shkodran Mustafi hormar aad u wanaagsan ayuu sameeyay 12-bilood ee ugu dambeesay wuxuu xulka Jarmalka kula guuleestay koobka aduunka sidoo kalena kooxdiisa Valencia bandhig aad u wanaagsan ayuu ka muujiyay.

Sida darteed qaar ka mid ah saxaafada Spain ayaa qoreen in Mustafi uu haatan ka mid yahay daafacyada ay kooxda Real Madrid calaameesatay inay xagaagan lasoo saxiixato.

Hadaba Shkodran Mustafi ayaa arinkan soo dhaweeyay wuxuuna yiri “Waxaan u maleynaa hadii ay koox kale ku xiiseyneyso waa arin wanaagsan taasi waxay ka dhigan tahay inaan hormar sameeyay”

“Dabcan hadii Real Madrid ay xiiso ii qabto waa dalab aad u sareeyo waayo qof walbo ayaa og Real Madrid naadiga ay tahay anigana waan ku faani karaa arinkaan”

“Laakiin aad uguma mashquulayo xanta Yurub waayo kaliya waxaan diirada saarayaa inaan ka sal gaarayo hadafyada xiligan ii dagsan”

“Waxaana ku dadaali doonaa sidii aan kooxdeyda Valencia kaga caawin lahaa inay koobka horyaalada Yurub qaybtiisa Guruubyada ugu soo bixi laheyd”

Shkodran Mustafi oo 23-jir ah ayaa xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa Valencia u saftay 33-kulan La Ligaha Spain waxayna si wacan isla shaqeeyeen saaxiibkiis daafaca kala cayaaro Nicolas Otamendi oo haatan isagana kooxda Man United siweyn loola xariirinaayo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>