Home » Maxaa Cusub » Daily Express: Man United Oo Ku Fakareysa Saxiixa Daafaca Barcelona Jeremy Mathieu

Daily Express: Man United Oo Ku Fakareysa Saxiixa Daafaca Barcelona Jeremy Mathieu


Jeremy Mathieu

 

Sida aan kasoo xiganay Daily Express kooxda Man United ayaa qorsheneyso inay xagaaga dambe naadiga Barcelona kala soo wareegto daafaca waaya araga ah Jeremy Mathieu.

United waxay horey Barcelona uga dooneesay Dani Alves oo ay ku rajo weyn tahay in dhamaadka xili cayaareedkan uu si xor ah garoonka Old Trafford ku yimaado.

Haatana Man United waxay dooneysaa inay daafaca reer France Jeremy Mathieu dhigeeda Barcelona kasoo iibsato madaama uu yahay daafac ku cayaarp lugta bidix oo uu tababare Van Gaal jeclaan lahaa inuu gacanta kusoo dhigo.

Jeremy Mathieu bilawgii xili cayaareedkan waxay Barcelona xidigan kaga soo qaadatay 20-milyan oo euro ah kooxda Valencia sidoo kalena si wanaagsna ayuu ula qabsaday garoonka Camp Nou.

Balse saxaafada Spain ayaa hadal heyso in xidigan ay Barcelona iska fasixi doonto madaama uu shaaca ka qaaday dagaalkii dhex maray macalin Enrique iyo Lionel Messi oo ay ka caroodeen maamulka Barcelona in arintaan saxaafada lala wadaagay.

Man United waxay dagaal culus kala kulmi doontaa sidii ay ula soo saxiixan laheed Jeremy Mathieu naadiga PSG oo iyadana dooneyso daafacan tayada wanaagsan inay dib ugu celiso dalka France.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>