Manchester United ayaa ugu cad-cad saxiixa daafaca xulka Jarmalka iyo kooxda Borrusai Dortmund Mats Hummels marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January sida ay ku warantay Daily Express.
BVB ayaa hoos u dagtay waxeyna haatan fadhisaa booska ugu hooseeya horyaalka Jarmalka inkastoo guuldaro xanuun badan ay kala kulantay Frankfurt Axadii.
Daily Express waxey ku warameysaa in hoos u dhaca kooxda ku yimid uu soo dadajinayo in Mats Hummels uu go’aan ku qaato inuu kooxda isaga tago isagoo ku biiri doona Manchester United.
Warbixinta waxey intaas ku dartay in Mats Hummels uu ku qiimeysan yahay 32 Malyan Oo Pound, waana mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan dunida xiligaan inkastoo bandhigiisa sanadkaan iyo sanadkii horaba uusan fiicneyn madama dhaawacyadiisa ay badnaayeen.
Si Kastaba Hummels waxaa sidoo kale bartilmaameed uu u yahay kooxda Arsenal, inkastoo warbixinta ay daabacday Daily Express lagu sheegay in xidigaan uu kusii jeedo Old Trafford.