Home » Horyaalada » La Liga Spain » DAILY MIRROR: Heshiiska Cusub Ee Pepe Wuxuu Sahli Karaa In Raphael Varane Uu Chelsea Ku Biiro

DAILY MIRROR: Heshiiska Cusub Ee Pepe Wuxuu Sahli Karaa In Raphael Varane Uu Chelsea Ku Biiro


Raphael-Varane-Real-Madrid

Fursadda ay chelsea kula saxiixan karto daafaca da’da yar ee kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa sii kordheysa kadib markii Real Madrid ay heshiis cusub ka saxiixday Pepe.

Varane ayaa beeca xorta ah uga tagi kara Real Madrid marka uu dhamaado xagaagan, inkastoo xidiga booskiisa ku jira ay heshiiska u kordhisay Real sida ay qirtay Daily Mirror.

Chelsea iyo Man United ayaa si ba’an u doonaya xidigaan inkastoo Blues ay gacanta sare leedahay madama uu kasoo hoos ciyaaray Jose Mourinho.

Macalinkaan reer Portugal kaas oo ahaa xidigii Varane baray bahweynta kubada cagta ayaa doonaya inuu mar kale ku maamulo galbeedka London isagoo badal uga dhigaya John Terry oo gabalkiisa uu sii dhacayo.

Dhanka kale kabtan John Terry ayaa isna lagu abaalmarin doonaa heshiis cusub oo hal sano ah si uu xagaaga dambe usii joogo Stamford Bridge.

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaan wax tixgelin ah siinin xidigaan, inkastoo wax walba ay kala cadaan doonaan marka uu suuqa dib u furmo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>