Daily Mirror ayaa ku warantay in kooxda Man United ay wado qorshe ay ku dheereneyso heshiiska amaahda ah ee ay ku heysato Radamel Falcao si xidigaan uu fursad ugu helo inuu cadeeyo awoodiisa.
United ayaa heysata dooq ah iney iibsato Falcao marka uu dhamaado amaahda halka xili ciyaareed ah oo ku dhamaadka xagaagan, balse haatan waxey diyaarineysaa qorshe kale oo ay amaah lix bilood ah kusii heysaneyso si xidigaan uu u cadeeyo sida uu ugu qalmo qiimaha ay duldhigtay kooxdiisa.
Arintaan ayaa ka dhigan in Man United ay wali ka samri la’dahay Radamel Falcao kaas oo ku fashilmay inuu waxtar sameeyo xagaagan.
Wali ma jirto wadahadal labada kooxood ay ka yeesheen arintaan balse waa qorshe la diyaarinayo walow aan la ogeyn sida ay ku aqbali doonto Monaco oo kaga fadhisa United 43 Malyan Oo Pound hadii ay xidigaan heysaneyso.
Ugu dambeyntii Falcao ayaan fursad helin isagoo inta badan keydka ku jiray, balse wuxuu rajeynayaa inuu baaqi kusii ahaado Old Trafford xagaaga soo aadan.