Branden Rodgers ayaa damcay inuu soo xerogaliyo Xherdan Shaqiri intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, wuxuuna in badan daawaday bandhigiisii koobka Aduunka.
Starsports ayaa xaqiijisay in bishii June ay wakiilo ka socday Liverpool ay la kulmeen Xidigaan reer Switzerland waxeyna qorsheyneysay iney Anfield Road ku keento 15 Malyan Oo Pound.
23-jirkaan ayaa ku dhawaaday inuu heshiis waqti dheer ah la galo kooxda Liverpool, balse Bayern Munich ayaa iska diiday iney iibiso xidigeeda kuna adkeysatay iney sii heysato.
“Waxaan doonayay inaan ka tago Bayern xagaagagn, balse kooxda ayaa qaadatay go’aan aysan igu iibineynin” ayuu Shaqiri u sheegay Blick.
“Waxaan dareemayay iney ii wanaagsan tahay inaan nasiibkeyga ku tijaabiyo kadib koobka Aduunka, waxaana ku fakaray inaan ka tago, balse Bayern ayaa si kale u fakartay”
“Mar kale ayaan kulmi doonaa si aan uga wadahadalno xaaladeyda” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xherdan Shaqiri.
Xherdan Shaqiri qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa wuxuu dhamaanayaa sanadka soo aadan, inkastoo uu rajeynayo inuu sanadka cusub heshiis kordhin ka helo kooxdiisa.
Shaqiri wuxuu 2012 kaga soo biiray Bayern kooxda dalkiisa hooyo ee Basel, balse kuma helin halkaas soo dhaweyn inkastoo xili ciyaareedkaan uu kasoo muuqday 8-kulan, hal kulan oo qura ayuuna safka hore soo galay.
Ugu dambeyntii Liverpool waxey xili ciyaareedkaan bilowga ah intuu furnaa suuqa soo xerogalisay in ka badan 7 ciyaartoy waxaana badalka Shaqiri ay keentay Lallana iyo Markovic.