Sida laga soo xigtay Daily Star kooxda Liverpool ayaa wada qorshe ay kula soo saxiixaneyso goolhayaha Stoke City Asmir Begovic iyadoo ku dooneysa 10 Malyan Oo Pound.
Warar hoose ayaa sheegaya in Branden Rodgers uu doonayo saxiixa Asmir Begovic si uu ula tartansiiyo goolhayaha qaladaadkiisa ay bateen ee Simon Mignolet si goolka Liverpool uu u noqdo mid adag oo lagu loolamo.
Mustaqbalka AsmirBegovic ee kooxda Stoke ayaa mugdi galay kadib markii xidigaan uu waayay booskii joogtada ah ee kooxda taasna waxey u jiidi kartaa inuu Anfield u dhaqaaqo xagaaga soo aadan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo xidigaan heerka caalami lala xiriiriyo kooxda Liverpool, balse wuxuu markaan ku jiraa liiska ciyaartoyda uu Branden Rodgers doonayo inkastoo sidoo kalana lala xiriiriyo goolhayaha Chelsea Peter Cech iyo midka Inter Milan Samir Handanovic.
Ugu dambeyntii Liverpool uma aheyn xagaagan mid fiican marka loo eego xagaagii hore, madama ay haatan dagaal ugu jirto iney ku dhameysato booska afaraad.