Sida ay qorayaan warbaahinta Ingiriiska gaar ahaan wargeyska Daly Star ayaa shaaciyay in kooxda Manchester United ay dooneyso saxiixa Sami Khedira.
United ayaa dooneysa iney mushaar badan ku qanciso Sami Khedira iyadoo dooneysa iney ku wareejiso 200,000 kun Pound taasoo ah lacag xidigaan u jiidi karta horyaalka Ingiriiska.
Sami Khedira ayaa xaqiijiyay inuu isaga tagi doono kooxda Real Madrid dhamaadkii bishaan Maarso, wuxuuna cagaha ka qaadi doonaa Santiego marka uu dhamaado heshiiskiisa bisha June ee soo aadan.
Khedira ayaa lagu waramay inuu dib ugu laaban doono horyaalka Bundesliga iyadoo si ba’an loola xiriirinayo kooxaha Bayern, Schalke iyo Stuttgart.
Sidoo kale Sami Khedira ayaa dalabyo ka helaya kooxo ka dhisan horyaalka Ingiriiska oo ay ka mid yahiin: Arsenal, United iyo Chelsea.
Ugu dambeyntii Sami Khedira ayaa go’aansan doona halka uu ka ciyaari doono waayahiisa xiga marka uu dhamaado xagaagan amaba ka hor.