Sida ay sheegayaan warbixino so baxaya maanta kooxda Man United ayaa kala heshiisay dhigeeda Borrusia Dortmund saxiixa Ilky Gundogan inkastoo aysan jirin warar rasmi ah oo kasoo baxay labada kooxood.
Gundogan ayaa goor hore ku dhawaaqay inuu isaga tagayo xagaagan iyadoo Dortmund qudheeda ay xaqiijisay in xidigaan uusan heshiiska u kordhin doonin, waxaase si ba’an loola xiriirinayay United, Chelsea iyo Arsenal.
Warbixino ayaa tilmaamayay todobaadkii hore in Man United 21 Malyan Oo Pound miiska u saartay Dortmund si ay xidigaan u hesho heshiiska ayaana u eg haatan mid u soconaya si wanaagsan.
Hadii sheekadaan ay noqoto mid dhab ah United ayey u noqoneysaa xidigii labaad oo ay soo xeorgaliyaan madama ay Memphis Depay kausoo iibsadeen 24 Malyan Oo Pound.
Ugu dambeyntii Daily Star ayaa warkaan baahisay iyadoo aysan jirin xog rasmi ah oo ay kasoo xigatay ama sheeko ay daabaceen labada kooxood.