Home » Maxaa Cusub » Daley Blind Oo Man United Guuldaro Ka Bad Baadiyay Waqtiga Dhimashada Cayaar West Ham Ay Ismari Waayeen

Daley Blind Oo Man United Guuldaro Ka Bad Baadiyay Waqtiga Dhimashada Cayaar West Ham Ay Ismari Waayeen


blind

Xidiga reer Holland Daley Blind ayaa hadal heynta garoonka Upton Park qaatay madaama uu kooxdiisa Man United guuldaro ka bad baadiyay.

Wuxuuna xidigan gool bar bar dhac ah kooxdiisa United u dhaliyay waqtiga dhimashada, kulankan xiisaha badan ayaa kusoo idlaaday 1-1.

Man United dhibaato badan ayay la kulantay qaybtii hore kulankan hadii uusan goolhaye David De Gae ahaan laheyn United goolal badan ayaa laga dhalin lahaa.

Macalin Van Gaal ayaa qaybtii hore garwaaqsaday in kooxdiisa hawada laga qariyay sidoo kalena loo diiday inay kubada isku dhiib dhiibtaan.

Goolhaye De Gae ayaa muujiyay markale geesinimo taariikhi ah madaama uu xidigaha West Ham ka celiyay fursado goolal loo fishay daqiqiadii 11-aad iyo 15-aad.

David De Gea saves from Enner Valencia

Xidigaha Sakho iyo Valencia ayaa nasiino u diideen daafacyada Man United gaar ahaan Jones iyo Rojo oo xamili waayeen kubada awooda ku dheehan ee kooxda West Ham cayaareyso.

Qaybtii hore ayaa 0-0 lagu kala nastay balse Man United ayaa u baahneed in nasiino la aado si macalin Van Gaal uu xidigaha kooxdiisa usoo canaanto.

Balse markii la isku soo laabtay kooxda West Ham ayaa heshay goolkii ay u qalantay waxaana gool aad u qurxoon dhaliyay Cheikhou Kouyaté daqiiqadii 49-aad waxaana qalad ku lahaayeen goolkan daafacyada Man United.

Kouyate scores for West Ham

Macalin Van Gaal ayaa fiirsan waayeen jah wareerka kooxdiisa ku jirto wuxuuna daqiiqadii 72-aad badal kusoo galiyay Fellaini asigoo ku badalay Adnan Januzaj.

Fellaini ayaa cayaarta wax weyn kusoo kordhiyay wuxuuna sameeyay inuu daafacyada West Ham nasiino u diido sidoo kalena uu kubada la qeebsado.

Radamel Falcao misses from close range

Falcao ayaa fursad qaali ah helay daqiiqadii 83-aad wuxuuna caawinaad ka helay Van Persie balse xidigan ayaa awoodi waayay inuu gool u badalo.

Fellaini ayaa sidoo kalena laad hoose ku riday gooasha West Ham balse goolhaye Adrian ayaa bad baadiyay daqiiqadii 89-aad.

Kulankan ayaa lagu daray 4-daqiiqo waxayna u muuqatay in West Ham sedex dhibcood oo nadiif ah qaadan rabto balse xidiga reer Holland Daley Blind ayaa meel xun uga soo baxay madaama uu cayaarta ka dhigay 1-1 daqiiqadii 92-aad.

Daley Blind

Blind ayaa dhaliyay laad qurxoon oo uu lugta bidix ka helay wuxuuna kooxdiisa Man United ka bad baadiyay guuldaro.

Wax yar kadib Man United waxaa calaamada casaanka ah ka qaatay Luke Shaw oo galay qaladkiisii labaad kaasi oo uu ku muteestay in cayaarta laga saaro.

Kulankan ayaa kuso idlaaday 1-1 taasi oo ka dhigan cayaartii dhibka badneed ee ka dhaday garoonka Upton Park in dhibcaha la wadaagay.

Luke Shaw

Natiijadan ayaa ka dhigan in Man United kaalinta 4-aad dib ugu soo dhacdo waxaana kaalinta 3-aad hal dhibic kaga heyso kooxda Southampton.

Halka kooxda West Ham iyadana wax isbadal ah sameynin madaama ay weli kaalinta 8-aad fadhiso.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>