Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dani Alves “Luis Suarez Wuu Sugi La’yahay Kulanka El Classico”

Dani Alves “Luis Suarez Wuu Sugi La’yahay Kulanka El Classico”


 > at Camp Nou on August 18, 2014 in Barcelona, Spain.

Daafaca garabka midig ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa saxaafada u sheegay in saaxiibkiis Luis Suarez uu diyaar garow ugu jiro kusoo laabashada garoomada sidoo kalena uu hamuun weyn u qabo inuu kulanka El Classico kasoo muuqdo.

Ganaaxa Suarez dul saaray wuxuu ku egyahay 25-ka bishan sidaa darteed El Classico wuxuu la cayaari doonaa hal maalin kadib ganaaxiisa waxaana la filaa in weeraryahanka reer Uruguay uu kulankan adag ka qayb qaato.

Dani Alves wuxuu yiri “Suarez waxkale kama sheekeeyo kaliya wuxuu afka ku hayaa kulanka El Classico wuxuuna doonayaa inuu habeenkaas wacdaro aan horey loo arag uu dhigo”

“Dabcan dhamaanteena ayaa wax weyn ka fileyno inuu nagu soo kordhiyo sidoo kalena waa xidig dadaal badan kuna qanacsan xaalada adag ee uu ku sugnaa bilihii aan kasoo gudubnay”

Geeska kale Alves ayaa ka hadlay hadal heynta ku aadan inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqi doono wuxuuna yiri “bilooyin kooban ayaa qandaraaskeyga ka dhiman marka kama hadlaayo arin ku saabsan bixitaankeyga waxaan doonayaa inaan Barcelona xili cayareedkan koobab muhiim ah kula guuleesto”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>