Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dani Alves Muxuu Ka Yiri Wararka Sheegaya Inuu Koox Aan Barca Aheyn Heshiis La Gaaray?

Dani Alves Muxuu Ka Yiri Wararka Sheegaya Inuu Koox Aan Barca Aheyn Heshiis La Gaaray?


Alves (3)

Daafaca reer Brazil ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin heshiis hordhac ah oo uu la gaaray mid ka mid ah kooxaha yurub xili warbaahinta caalamka ay arinkaas hadal heyso.

Wakilka wiilkaan ayaa todobaadkii hore ka dhawaajiyay in xidigaan uu isaga tagi doono Camp Nou marka uu xagaagan dhamaado, kadib markii ay burbureen wadahadalo la filayay inuu la galo Barca.

Si kastaba Alves ayaa la hadal hayaa inuu heshiis hordhac ah la gaaray Paris Saint Germain iyadoo sidoo kale Man United lala xiriirinayo, balse xidigaan ayaa rajo galiyay Barca isagoo qiray iney macquul tahay inuu heshiis la gaaro kooxdiisa.

“Waan ku faraxsanahay Barcelona,  walina kooxna heshiis lama gaarin” Ayuu Dani Alves u sheegay BeIN Sport.

“Nolosha markii la ga hadlo waa inaad mahad celiso, Barca nolosheyda wey badashay, waxeyna ii rumeysay riyadeyda, waxaan dareemi doonaa dareenkii aan qabay markaan halkaan imaanayay xiliga dhamaadkiisa” Ayuu yiri Alves.

“Hadii kooxda ay i weyiisato inaan u la shaqeeyo waan fiirin doonaa, balse haatan waxba ma jiraan, waaan diiradaa sarayaa arimaha kooxdeyda ilaa dhamaadka qandaraaskeyga, go’aankana waxan qaadan doonaa dhamaadka xagaagan”

Ugu dambeyntii Dani Alves ayaa ciyaaray 80-daqiiqo kulankii ay kooxdiisa Barca 2-2 la gashay Sevilla todobaadkaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>