Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dani Alves Oo Guri Cusub Ka Gadan Rabo Magaalada Paris Taasi Ma Waxay Ka Dhigan Tahay Inuu PSG Heshiis La Gaaray!

Dani Alves Oo Guri Cusub Ka Gadan Rabo Magaalada Paris Taasi Ma Waxay Ka Dhigan Tahay Inuu PSG Heshiis La Gaaray!


Alves

Wararkii ugu dambeeyay ee ku aadan mustaqbalka Dani Alves ayaa sheegayo in xidigan uu haatan kusii dhawaanayo ku biiritaanka naadiga PSG.

Waayo waxaa la sheegay in xidigan uu haatan guri cusub ka gadan rabo bartamaha magaalada Paris wuxuuna u guuri doonaa halkaas ma gaaro bisha June oo ah xiliga uu dhamaan doono qandaraaska uu haatan Barcelona kula jiro.

Dinorah Santana oo ah wakiilka Alves sidoo kalena ah xaaskiisii hore ayaa la sheegay in haatan ay magaalada Paris ku sugan tahay waxaana wargeska Marca kasoo xiganay in gabadhan ay heshiis la gaartay kooxda PSG ayadoo mataleyso Alves.

Sidoo kale Santana guri cusub oo uu Alves ka dago magaalada Paris ay dalaal u dirtay waxana hormarisay lacagaha qiimo ahaan ku kici doono aqalka uu Alves doonayo.

Marca ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Barcelona ay arinkan ka war heshay sidoo kalena ay la xariireen Santana kuna wargaliyeen inay heshiis cusub Alves diyaar ula yihiin sidoo kalena sanad walbo siin doonaan €6 million oo ay canshuurta Barcelona ka bixin doonto.

Dalabka Barcelona wey ku gacan seereen Santana iyo Alves waayo naadiga PSG ayay heshiis hordhac ah la gaareen kaasi oo ah sedex sano waxaana sanad walbo la siin doonaa €9m oo aysan canshuur ku jirin iyo €2m oo guno ahaan loo siin doono!!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>