Daafaca reer Brazil Dani Alves ayaa si rasmi ah u sheegay xidigii ka dambeeyay inuu go’aannkiisa badalo sidoo kalena uu garoonka Camp Nou baaqi kusii ahaado.
Alves heshiiskiisii Barcelona bilawgii bishan ayuu dhamaday waxaana la hadal haayay inuu bixi doono balse si lama filaan ah ayuu xidigan kooxdiisa qandaraas cusub ugu saxiixay.
Alves oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Messi ayaa igu qal qaaliyay inaan Barcelona sii joogo wuxuuna igu yiri Dani halkee aadeysaa ma jirto meel halkan kaaga wanaagsan!”
“Messi wuxuu isoo xasuusiyay hadal aan is weedaarsanay sanad ka hor kaasi oo ahaa inaan hal naadi dalab ka wada hadalnay balse markaas waxaan istusnay meel Barcelona nooga wanaagsan aysan jirin”
“Sidaa darteed markii aan Champion-ka qaanay ayuu isoo xasuusiyay arinkaas wuxuuna igu dhiiri galiyay inaan heshiis cusub Barcelona u saxiixo”
32-jirkan garabka midig ee daafaca Barcelona kaga cayaaro ayaa heshiis 2-sano ah kooxdiisa u saxiixay wuxuuna Camp Nou kusii sugnaan doonaa ilaa sanada 2017.
Sidoo kale xidigan ayaa sheegay inuu ku farxasan yahay in macalin Luis Enrique uu isagana heshiis cusub qalinka ku duugay sidoo kalena ay Camp Nou sii wada joogi doonaan.