Tan iyo bishii September Daniel Sturridge ayaa ugu dambeyn kusoo laabtay xerada tababarka Melwood Ground oo ah xarunta ay ku tababartaan kooxda Liverpool.
Sturridge wuxuu ku maqnaa dhaawac mudo bil ah xili uu matalayay xulka Ingiriiska oo isku diyaarinayay isreeb-reebka Koobka Euro 2016 furitaankiisa kulan ay la lahaayeen Switzerland.
25-jirkaan heerka caalami ayaa laga tabay kooxda uu hogaamiyo Branden Rodgers kuwaas oo aan kaliya hal guul gaaray tan iyo markii ugu dambeysay Sturridge kulankii Tottenham kulamada horyaalka Ingiriiska.
Rickie Lambert iyo Mario Balotelli ayaa kasoo bixi waayay kaalintooda, waxaana la filayaa in Sturridge uu qeyb ka noqdo kooxda Liverpool ee wajaheysa QPR Axada soo aadan.