Weeraryahanka kooxda Liverpool Daniel Sturridge oo ku rajo weynaa inuu xulkiisa England markale dib ugu cayaaro kadib markii uu dhaawaca kasoo kabtay ayaa la sheegay in haatan shaki weyn ku jiro inuu xulkiisa u safto.
England waxay kulamo saaxiibtinimo la cayaari doonaan xulakka Lithuania iyo Italy dhamaadka todobaadkan iyo bartamaha todobaadka dambe balse Daniel Sturridge jug hor leh ayaa soo gaartay midaas oo ka hor istaagi karto inuu xulkiisa u safto.
Daniel Sturridge ayaa la sheegay kadib markii baaritaan lagu sameeyay inuu dhaawac ka qabo dhanka sinta sidoo kalena laga cabsi qabo in jab uu jiro sidaa darteed baaritaan dheeraad ah ayaa lagu sameyn doonaa.
Xaalada cusub ee xidigan laga sheegay kooxdiisa Liverpool xitaa walaac xoogan ayay ka muujisay waxayna codsatay in xidigan xaaladiisa caafimaad halis la galin marba hadii England kulamo saaxiibtinimo oo tijaabo ah cayaari doonto.
Weeraryahankan kooxdiisa mudo 5-bilood ah ayuu ka maqnaa garoomada midaas oo Liverpool ka dhigtay koox dafiic a oo aan wax gool ah dhalin balse markii uu soo kabtay Liverpool safka hore EPL ayay soo gaartay.
Sidaa darteed qasaarada ugu weyn Reds ayay soo gaari doontaa hadii xidigan dhaawaciisa la xaqiijiyo inuu halis yahay waayo xulka England haatan wey ka maarmaan madaaa uu Harry Kane usoo baxay sidoo kalena Wayne Rooney ayaa horey u joogay.