Waxey aheyd arin lasoo agaasimay oo aad u qurux badan, sidoo kalana ay ku dheehneed murugo tiiraanyo leh marka aad eegto qaabka ay Jamaahiirta Borrusia Dortmund u sagootisay macalin Jurgen Klopp oo leyliyay kooxda kulankiisii ugu dmabeeyay.
Dhawaan ayey aheyd markii uu Jurgen Klopp ka dhawaajiyay inuu ka dhaqaaqi doono kooxda Signal Iduna Park ku ciyaarta, ciyaar soo dhamaatay waqti yar ka hor oo ay Dortmund 3-2 ku badisay ayaana ugu dambeysay inuu mar dambe kursiga keydka Dortmund soo fariisto.
Inkastoo uu kulankiisii ugu dambeeyay guul kusoo xiray hadana kooxda ma ciyaari doonto dhamaan tartamada yurub madama ay ku dhameysatay booska 7-aad ee horyaalka.
Si kastaba Jurgen Klopp si qurux badan ayey u sagootiyeen Jamaahiira Dortmund waxeyna boorar waaweyn kosoo qorteen [DANKE JURGEN] taasoo u dhiganta “Mahadsanid Jurgen”
DAAWO SAWIRADA