Inkastoo Danny Welbeck dhaawac soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee uu xulkiisa England u cayaaray isreeb reebka Euro 2016, hadana kooxda Arsenal ayaa ka dhawaajisay in xidigan dhaawaciisa halis ah.
Waxaana lagu wadaa in Welbeck uu Gunners-ka u safto kulanka ay wajihi doonaan naadiga Hull City sabtiga nagu soo fool leh Premiership-ka England kulan ka tirsan.
Macalinka xulka England Ro Hodgson ayaa horey u sheegay in dhaawaca Welbeck uusan halis ahayn haatana Arsenal ayaa dhankeedka xaqiijisay in xidigan jug fudud kasoo gaarat qoobkiisa midig sidoo kalena uu kulanka Hull City taam u noqon doono.
Madaama haatan Olivier Giroud uu Arsenal dhaawac kaga maqan yahay waxaa laga cabsi qabay in Welbeck uu liiska xidigaha dhaawaca Arsenal kaga maqan ku biiro balse nasiib wanaagsan xidigan wax dhibaato ah ma qabo wuxuuna diyaar u yahay inuu kooxdiisa dhanka weerarka ka caawiyo.
Geeska kale Arsenal ayaa xaqiijisay in Theo Walcott oo haatan tababarka kooxda kusoo laabtay inuusan sabtiga kursiga keydka soo fariisan doonin kulanka balse labo kulan kadib ayuu xidigan kooxdiisa u safan doonaa mudo dheer kadib.