Home » Horyaalada » italian Serie A » Darijo Srna Oo La Taliyay Da’yarka Croatia Mateo Kovacic: “Waa Inaad Ka Tagtaa Inter Milan”

Darijo Srna Oo La Taliyay Da’yarka Croatia Mateo Kovacic: “Waa Inaad Ka Tagtaa Inter Milan”


Darijo Srna

Daafaca Croatia Darijo Srna ayaa la taliyay kubad sameeyaha da’da yar ee khadka dhexe kooxda Inter Milan Mateo Kovacic wuxuuna u sheegay inuu isaga tago kooxda reer talyaani si uusan qatar u galin hamigiisa koboca kubadeed.

20-jirkaan ayaa ku biiray kooxda Inter Milan bishii January 2013, isasgoo ka yimid kooxda dalkiisa hooyo ee Dinamo Zegreb, wuxuuna kaliya saftay 11-kulan xili ciyaareedkaan inkastoo kooxda uu hoos u dhac ku yimid waxeyna fadhisaa booska 9-aad.

Inkastoo shaki la galinayo mustaqbalka macalinka kooxda Walter Mazzarri, hadana Srna wuxuu xidigaan da’da yar ee mustaqbalka leh ugu baaqay inuu isaga hayaamo Sansiro isla markaana raadiyo koox ka wanaagsan.

“Mateo waa mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan horyaalka Serie A-da, balse hadii uu doonayo inuu hormar sameeyo waa inuu aadaa koox kale, sababtoo ah Inter Milan waqtigaan wey ka fogtahay waqtigeeda dahabiga ah”

Daafacaan ka tirsan kooxda Shakhtar ayaa laga saaray liiska xulka Crroatia kulanka ay caawa la ciyaarayaan Argentina kulan ka dhici doona Upton Park, waxaana sidoo kale laga saaray kooxda Luka Modric, Dejan Lovren iyo Mario Mandzukic oo ah ciyaartoydii ugu muhiimsaneed xulkaan.

Srna wuxuu amaanay go’aanka macalin Kovac isagoo ku tilmaamay maskax loo baahan yahay madama macalinka uu doonayo inuu nasiyo xidigaha waaweyn si uu u ogaado tayada ciyaartoyda da’da yar, kuwaas oo ah kuwii na badali lahaa mustaqbalka dhaw.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>