Kooxda Man United waa naadiga ugu guulaha badan dalka England sidoo kalena ah koox awood badan ku leh kubada cagta qaarada Yurub laga cayaaro.
Hadana naadigan faca weyn haatan xaalad kacsan ayay ku sugan tahay madaama goolhayaheeda tayada waanaagsan David De Gae uu qarka u saaran yahay inuu kooxda Real Madrid ku biiro.
Sidaa darteed waxaa daaha laga qaaday sanadihii dhawaa kooxdan cayaartooydii muhiimka ah oo ay iska fasaxday sidoo kalena ay gadaal ka ogaatay inay ku qaldaneed.
Qaar ka mid ah xidigaha ay United iska fasaxday qaarkood lacago waali ah ayay dhaafsatay sida Cristiano Ronaldo oo kale balse waxay taageerayaashooda ka xun yihiin in xidiga aduunka ugu wanaagsan halkii uu iyaga guulo gaarsiin lahaa inuu naadi kale ka farxiyo marwalbo.
Hadaba xidigahii ay Man United ku qaldantay inay fasaxdo waxaa ugu muhiimsanaayeen:
Cristiano Ronaldo
Paul Pogba
Jaap Stam
David Beckham
Gerard Pique