Goolhayaha kooxda Manchester United ayaa iska diiday dalab kaga yimid kooxda Real Madrid isagoo diyaar u ah inuu saxiixo heshiiska waalida ah ee ay usoo bandhigtay kooxdiisa taasoo laba-laab uga dhigeysa mushaarka uu haatan kooxda ka qaato.
Goolhayihii hore kooxda Atletico Madrid ayaa dalab deg-deg ah ka helay kooxda Real Madrid iyadoo damacsan iney badal kaga dhigto Iker Casillas oo kubada cagta kasii lug-baxaya, balse United ayaa qaaday talaabo ay kaga hortageyso arintaas iyadoo xidigaan u balan qaaday heshiis Shan Sano ah oo uu isbuucii qaadanayo £120,000 Pound.
Sida uu shaaciyay Wariyaha reer Spain Roberto Bonafont oo saaxiib dhaw la ah David De Gea ayaa qiray in Goolhayahaan uu ogolaaday inuu saxiixo heshiiska shanta sano ah oo ay kooxdiisa usoo bandhigtay.
Manchester United ayaa dooneysa iney ceshato wiilkaan reer Spain kaas oo hormar fiican sameeyay 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuuna haatan ka mid yahay goolhayeyaasha ugu wanaagsan EPL-ka xili ciyaareedkaan.