Home » Maxaa Cusub » David Luiz Oo Shaki La Galinayo Inuu Safto Kulanka Japan

David Luiz Oo Shaki La Galinayo Inuu Safto Kulanka Japan


Luiz

Daafaca kooxda Paris Saint Germain David Luiz ayaa shaki la galinayaa safashadiisa kulanka saaxiibtinimo oo ay xulkiisa la yeelan doonaan Japan talaadada.

Daafacaan heerka caalami ayaa muruqa dhaawac uu kasoo gaaray kulankii ay guusha ka gaareen Argentina kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Buulka Shimbirta ee dalka Shiinaha.

Dhaqtarka Xulka Rodrigo Lasmar ayaa xaqiijiyay in xidigaan uu wali xanuun dareemayo, iyadoo dhaawacaan uu kaga baxay ciyaartii Argentina ee kusoo dhamaatay 2-0.

Maanta ayuu xidigaan baaritaano dheeri ah ku mari doonaa Singpore, taas ayaana lagu kala ogaan doonaa hadii uu safan karo kulanka Japan oo ay talaadada la ciyaari doonaan.

Sidoo kale markii labaad ayuu xidigaan dhaawacmayaa iyadoo bishii hore laga saaray xulka Brazil ee la ciyaaray Ecuador, madama uu ku dhaawacmay kulan ay ka badiyeen Colombia.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>