Home » Maxaa Cusub » David Moyes “Premier League Haata Heer Xun Ayuu Taagan Yahay Midaasna Waan Filaayay”

David Moyes “Premier League Haata Heer Xun Ayuu Taagan Yahay Midaasna Waan Filaayay”


Moyes

Macalinkii hore ee kooxda Man United David Moyes haatana hogaamiyo naadia real Sociedad ayaa si toos ah weerar ugu qaaday Premiership-ka England.

Kadib markii xili cayaareedkan 2014/15 ay kooxaha reer England ku fashilmeyn tartamada Yurub inay wax ka keenaan.

Moyes oo dhaliilsan xaalka uu haata EPL ku sugan yahay wuxuu yiri “Waan filaayay in heerkan hoose uu EPL ka gaari doono tartamada Yurub”

“Waayo horyaalkan siyaasada lagu maareeyo ma ahan mid saxan sidoo kalena lagama fikiro sida kubada loo hormarin balse kaliya sidii lacag lagu heli lahaa ayaa laga fikiraa”

“Spain kooxahooda qaar sida Real Madrid iyo Barcelona lacago badan wey qarash gareeyaan balse xidigo tayo leh ayay la saxiixdaan sidoo kalena marwalbo kooxaha La Ligaha waxaa lagu booriyaa inay tartmada Yurub guulo ka keenaan”

David Moyes ayaa soo jeediyay in macalimiinta u dhalatay dalka UK in fursad la siiyo hadii la doonayo in horyaalka uu markale dib usoo laba kacleeyo.

“Ma ahan wax shaqeenayo in macalimiin ajanibi ah lacago badan la iska siiyo waxa fiican tababarayaasha British-ka ah in fursad la siiyo aan hubaa inay sumcada horyaalka dib usoo celin karaan”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>