Home » Maxaa Cusub » David Silva & Yaya Toure Oo Kala Diray Crysal Palace Xili Man City Ay Hogaanka La Wadaageyso Chelsea

David Silva & Yaya Toure Oo Kala Diray Crysal Palace Xili Man City Ay Hogaanka La Wadaageyso Chelsea


Silva

Sadex Gool oo ay kala qeybsadeen David Silva iyo Yaya Toure ayaa guul muhiim ah siiyay Manchester City waxeyna barbaro la noqdeen dhanka dhibcaha kooxda Blues oo kulan gacanta ku heysata.

Fursadii aheyd iney hogaanka si kumeel gaar ah u qabtaan hogaanka horyaalka ayaan rumoobin madama looga baahnaa iney ku badiyaan goolal ka badan 4-gool.

Manchester City ayaa badi heysatay kubada iyadoo si qurux badan u maamuleysay ciyaarta inkastoo ay yaarayeen fursada ay heleysay 20-kii daqiiqo ee ugu horeeyay.

Samir Nasri ayaa isku daygii ugu qatarsanaa kooxda City markii kubad si qurux badan ay isugu dhiib-dhiibeen Toure, Silva iyo Milner ay ugu dambeyntii soo gashay lugta Nasri inkastoo kubadii uu goolka la beegsaday ay martay meel goolka u dhaw.

Crystal Palace ayaa heshay sadex fursadood oo is xiga inkastoo laba ka mid ah uu badbaadiyay goolhaye Joe Hart, Bolasie ayaa kubad ka keenay dhinaca bidix, Hart ayaa saaray inteysan gaarin weerarka Palace.

Kabtanka Palace Mile Jedinak ayaa madaxeeyay kubad koorne ka timid daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta kaas oo halis galiyay goolka City, balse Joe Hart ayaa iska saaray kubadaas halista aheyd.

Silva Nasri & Milner ayaa ciyaaray kubad hal mar taabasho ah ka hor inta uusan Milner kubada u gudbin Yaya Toure oo taagnaa meel ku haboon in gool lagu dhaliyo balse xidiga reer Ivory Coast kubadii hawada ayuu u diray daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta.

Samir Nasri ayaa dhex qaaday laba ka mid ah daafaca Crystal Palace isagoo si qurux badan ugu gooyay, inkastoo uu si lama filaan ah kubada ku siiyay Silva kaas oo isna goolka la beegsaday kubada balse bananka ayey ka martay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.

Mar kale Yaya Toure ayaa hawada ku daray kubad goolka u furneyd isagoo ku sugan xerada ganaaxa, inkastoo uu kubad hal mar taabasho ah la ciyaaray markii hore Kolarov daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta.

Pablo Zabaleta ayaa helay fursadii ugu qaalisaneyd ee ay helaan labada kooxood qeybtii hore ciyaarta, Yaya Toure ayaa kubad ka dhex gudbiyay ciyaartoyda Crystal Palace, Zabaleta ayaana kubada lugta ku dhigay inkastoo uu goolhayaha si qurux badan kaga dulqaaday hadana banaanka ayey kamartay daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, inkastoo labada kooxood ay sameeyeen dadaalo badan oo ay ku doonayeen iney goolal ku helaan balse ma noqon.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo City ay durba hogaanka u qabatay ciyaarta David Silva ayaana sabab u ahaa inuu dhasho goolkaas madama uu kubad goosha la beegsaday walow ay jilibka kaga dhacday Scot Dan oo daafaca kaga ciyaara Palace daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta.

Mar kale David Silva ayaa hogaanka u dheereeyay Manchester City markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu dhinaca bidix ka keenay Aleksander Kolarov daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

Mancheser City ayaa cadaadis badan saartay goolka Crystal Palace, halka Palace qudheeda ay isku dayday iney barbaro goolal barbaro ah raadiso.

Yaya Toure ayaa sii xumeeyay rajadii Crystal Palace daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta markii Man City ay heshay weerar rogaal celis ahaa, Navas ayaa kubad kasoo jiiday goolka isasgoo si habsami leh ugu gudbiyay Milner oo isna si hoose kubad ugu gudbiyay Toure kaas oo kubad awodo leh shabaqa galiyay.

Martin Demichelis ayaa u dhawaaday inuu gool iska dhaliyo markii Zaha uu kubad banaanka soo dhigay daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta, koorne ayeyna noqotay kubadii.

Rajadii Crystal Palace ayaa ceel ku dhacday iyadoo City ay u xalaalowday sadex dhibcood oo ay u qalmeen waxeyna haatan barbaro dhanka dhibcaha la noqdeen Chelsea.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>