Home » Europe » Champions League » Da’yarka Real Madrid & Xulka Norway – Martin Odegaard – Oo Rikoor Kale U Dhigay Qaarada Yurub

Da’yarka Real Madrid & Xulka Norway – Martin Odegaard – Oo Rikoor Kale U Dhigay Qaarada Yurub


Martin Odegaard

Da’yarka kooxda Real Madrid Martin Odegaard ayaa rikoor hor leh u dhigay qaarada yurub isagoo horay u noqday xidigii ugu da’da yaraa ee ebid kasoo muuqda kulan ka tirsan tartamada heerka caalami ee yurub.

Balse haatan wuxuu mar kale sii kordhiyay rikoorkiisa isagoo noqday xidigii ugu da’da yaraa ee ebid kusoo bilowda kulan caalami ah tartamada yurub kadib markii uu kusoo bilowday kulankii ay xulkiisa guuldarada kala kulmeen Croatia.

Martin Odegaard ayaa weerarka xulka Norway kali ku ahaa xalay isagoo kaliya jira 16-sano, 3-bilood iyo 11-maalmood oo qura.

Bishii October ee sanadkii hore ayey aheed markii uu rikoorka hore dhigayay wuxuuna markaas jiray 15-sano iyo 300 Maalin.

Ugu dambeyntiina Real Madrid ayaa xidigaan la wareegtay, wuxuuna haatan ku jiraa xerada Castilla ee da’yarta inkastoo uu kursiga soo farisitay kulan ka tirsan UCL.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>