Home » Maxaa Cusub » Deg Deg: Ander Herrera Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Dambiga Loo Heesto!!

Deg Deg: Ander Herrera Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Dambiga Loo Heesto!!


Herrar

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Man United Ander Herrera ayaa si rasmi ah uga hadlay arinta ah in loo heesto dambi uu galay xili uu ka tirsanaa naadiga Real Zaragoza 4-sano ka hor.

Laacibkan ayaa ka mid ah 41-shaqsi oo loo heesto inay ka qayb qaateen cayaar la musuq maasuqay waxayna saxaafada dalka Spain hadal heysaa in Ander Herrera iyo dadka kale ee dacwadan loo heesto ganaax lix sano ah iyo xabsi ay la kulmi karaan inay ku cadaato.

Hadaba Ander Herrera aya arinkan ka hadlay asigoo adeegsanaayo Facebook, wuxuuna yiri “Dacwada sharciga ah ee ka socoto dalka Spain kuna aadan kooxda Real Zaragoza oo aan ka tirsanaa 12-sano jirkeyga ilaa 22-sano jirkeyga”

“Zaragoza waxay ii ahayd sharaf inaan mudadaas u cayaaro waxaa la sheegay inay jiraan 41-qof oo aan aniga ka mid ahay oo dacwad loo heesto”

“Waligay kama qayb qaadanin mana ka qayb qaadan doono fal ah in kubada cagta la musuq maasuqo”

“Hadii la iiga yeero maxkamad kasto si aan u cadeeyo inaan dambi laheyn, aadban ugu farxi doonaa inaan ka qayb qaato maxkamadaas madaama aan hubo inaan ahay qof nadiif ka ah dhamaan xumaanta la sheegayo!”

“Waan Jeclahay kubada cagta sidoo kalena waxaan jeclahay in si cadaalad ah kubada loo cayaaro marka lagu jiro garoonka iyo xitaa garoonka banaankiisa inaan cadaalad sameeyo ayaan jeclahay!”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>