Arturo Vidal ayaa ku biiri doona kooxda Bayern Munich isbuuca soo aadan marka uu ka gudbo tijaabada caafimaad sidoo kalana uu heshiiska qalinka ugu duugo kooxda ku ciyaarta Allianz Arena.
Kooxda Bundesliga difaacaneysa ayaa 40 Malyan Oo Euro kula heshiisay kooxda Juventus, waxaana saxaafada u xaqiijiyay gudoomiyaha kooxda Karl-Heinz Rummenigge.
Karl-Heinz Rummenigge ayaa shaaca ka qaaday in kaliya ay harsan tahay inuu xidigaan caafimaad maro kadibna uu qalinka ku duugo heshiiska uu kooxdaan reer Jarmal ku joogi doono.
Arturo Vidal wuxuu badal u noqon doonaa Bastian Schweinsteiger oo dhawaan ku biiray kooxda Manchester United, sidoo kale xidigaan Bayern ayuu ku dhawaaday inuu ku biiro sanadii 2011, balse Juve ayaa ka afduubatay.
Arturo Vidal wuxuu Juventus kula guuleystay afar horyaal oo xiriir ah sidoo kalana wuxuu ka mid noqday wiilashii Allegri ee tagay finalka koobka horyaalada yurub xagaagii dhamaaday.