Home » Maxaa Cusub » Deg-Deg: Fabio Capello Oo Laga Raacdeeyay Shaqada Tababaranimo Ee Xulka Russia

Deg-Deg: Fabio Capello Oo Laga Raacdeeyay Shaqada Tababaranimo Ee Xulka Russia


Capello

Xiriirka kubada cagta dalka Ruushka (RFU) ayaa soo afjaray heshiiskii ay kula jireen tababarahii hore xulka England Fabio Capello iyadoo sadex sano ay ka harsan tahay in Russia ay martigaliso koobka Aduunka 2018.

Wali lama magacaabi macalinkii badali lahaa 69-jirkaan reer talyaani waxaana la hadal hayaa inuu booskiisa buuxin doono Leonid Slutski oo haatan tababara CSKA Moscow.

Capello ayaa hogaamiyay xulka England koobkii Aduunka 2010, balse sanadii 2012 ayuu qabtay xilka tababaranimo ee Russia, wuxuuna heshiiskiisa dhamaanayay 2018.

Capello xulkaan wuxuu u hogaamiyay iney ka qeyb galaan koobkii Aduunka ee 2014 lagu qabtay Brazil, balse wareega groupyada ayey kusoo hareen.

Bandhig xumo ku timid xulka ayaa sababtay in laga raacdeeyo shaqada waxeyna haatan Russia kaalinta sadexaad kaga jirtaa kala horeynta Groupka G isreeb-reebka Euro 2016.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>