Home » Maxaa Cusub » DEG-DEG: Arsenal Oo Dhameystirtay Saxiixa Da’yarkii Legia Warsaw Krystian Bielik

DEG-DEG: Arsenal Oo Dhameystirtay Saxiixa Da’yarkii Legia Warsaw Krystian Bielik


Bilik

 Ugu dambeyntii Arsenal ayaa soo afjartay saxiixa da’yarka reer Poland Krystian Bielik inkastoo aan la shaacin lacagaha ay xidigaan kusoo xerogalisay.

Bielik ayaa markii ugu horeysay kooxda waaweyn ee Legia Warsaw kasoo muuqday August 2014, isagoo ay da’diisa tahay 16-jir wuxuuna saftay kulan ka tirsan Europa League.

Da’yarkaan reer Poland wuxuu ciyaari karaa laba boos oo khadka dhexe ah burburiye iyo abuure, sidoo kalana wuxuu ciyaari karaa daafaca dhexe waana 17-jir ay kubadiisa la dhaceen kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub.

Krystian Bielik wuxuu noqonayaa saxiixii ugu horeeyay bishaan January ay sameyso kooxda Arsenal, inkastoo Wenger uu sidoo kale ku raad joogo xidigo kale oo uu doonayo inuu ku xoojiyo kooxdiisa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>