Home » Maxaa Cusub » Deg Deg: Marco Rojo Oo La Sheegay Inuu Mudo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doono

Deg Deg: Marco Rojo Oo La Sheegay Inuu Mudo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doono


Marcos

Daafaca kooxda Man United Marcos Rojo ayaa la sheegay inuu mudo dheer garoomada ka maqnaan doono.

24-jiran tayada wanaagsan wuxuu dhaawac dhanka garabka ah kasoo gaaray kulankii Manchester Derby sidaa darteed dhaqaatiirta United ayaa ku hawlan la tacaalida dhaawaca xidigan soo gaaray.

Balse wargeska Express ayaa soo xigtay hadal kasoo yeeray mid ka mid ah dhaqaatiirta Man United kaasi oo sheegay in xidigan uu garoomada ka maqnaan doono mudo lix todobaad ah.

Maqnaan shaha Rojo waxay madax xanuun kusii ridi doontaa macalin Luis Van Gaal oo ku jah wareersan dhaawacyada kooxdiisa sanadkan ku raageen waxaana sidoo kale United ka dhaawacan daafacyada kala ah Phil Jones iyo Jonny Evans.

Sidaa darteed Michael Carrick ayaa daafaca dhexe Man United uga cayaari doono todobaadyada nagu soo fool leh kulamada ay Premiership-ka England kooxdan cayaari doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>