Home » Maxaa Cusub » Martin Skrtel Oo Ku Hungoobay Racfaankii Uu Ka Qaatay Ganaaxii Ay Kusoo Rogeen FA-ga

Martin Skrtel Oo Ku Hungoobay Racfaankii Uu Ka Qaatay Ganaaxii Ay Kusoo Rogeen FA-ga


Skrtel

 Daafaca Liverpool Martin Skrtel ayaa ku hungoobay racfaankii uu ka qaatay ganaaxii sadexda kulan ahaa ee ay kusoo rogeen xiriirka FA-ga kadib markii xidigaan uu si kas ah ugu istaagay goolhaye David De Gea kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Man United axadii.

Skrtel ayaa ku istaagay goolhaye De Gea sida ay soo qabteen muuqaladii kulankaas laga qabtay, walow xidigaan uu inkiray inuu ku istaagay De Gea, hadana kama baajin in FA-ga ay go’aan rasmi ah ka qaataan ganaaxiisa wuxuuna seegi doona si rasmi ah kulamada ay kooxdiisa la yeelan doonto Arsenal, Newcastle United iyo Blackburn Rovers.

Ganaaxa wiilkaan reer Slovakia wuxuu Rodgers ku qasbi doonaa inuu Kolo Toure ka ciyaarsiiyo daafaca dhexe kulamadaas walow la dareemi doono awoodiisa.

Sidoo kale Gerrard ayaa ganaax la mid ah mari doona wuxuuna seegi doonaa sadexdaas kulan madama uu casaan toos ah qaatay kulankaas madama uu isna ku istaagay Herrera.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>