Raheem Sterling ayaan la safri doonin kooxda Liverpool ee maanta u safreysa qaaradaha Asia iyo Australia waxaana lala xiriirinayaa inuu ku biirayo kooxda Manchester City.
Garabkaan reer Ingiriis waxaa si ba’an loola xiriirinayaa Manchester City waxeyna maanta dalab sadexaad u gubdisay Liverpool kaas oo dhan 45 Malyan Oo Pound, qorshahii ahaa inuu kooxda la safro ayaana la badalay waana laga reebay kooxda.
Raheem Sterling oo 20-jir ah ayaa sii joogi doona UK, xili kooxda inteeda kale ay u duuleyso Bangkok maanta galinka dambe.
Wali sheekada xidigaan wax heshiis ah lagama gaarin waxaana loo badinayaa in wiilkaan Asal Jamaican-ka ah uu ku biirayo Etihad Stadium.
Sidoo kale Manchester City waxey qudheeda u duuleysaa Australia, iyadoo Liverpool ay sidoo kale u duuleyso Arbacada.