Home » Maxaa Cusub » Deg Deg: Thierry Henry Oo Si Rasmi Cayaaraha Uga Fariistay!

Deg Deg: Thierry Henry Oo Si Rasmi Cayaaraha Uga Fariistay!


Breaking news

Weeraryahankii hore ee xulka France iyo naadiga Arsenal Thierry Henry ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu gabi ahaanba cayaaraha ka fariistay.

37-jirkan bilawgii bishan December ayuu kooxdiisa New York Red Bulls isaga tagay waxaana la hadal haayay inuu mustaqbalkiisa cayaareed ku dhameesan doono Ligue 1 France madaama PSG iyo Monaco ay xiiseenayeen saxiixiisa.

Balse Henry ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba cayaaraha ka fariistay, halyeegan xulka France kula guuleestay koobkii aduunka 1998 iyo tartankii Euro 2000 ayaa ku faraxsan inuu joojiyo laadisda kubada madaama uu mudo dheer cayaaraha kusoo dhex jiray.

Henry ayaa sheegin shaqada xigta ee uu qaban doono, inkastoo la hadal haayo inuu dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Arsenal oo shaqo macalinimo diyaar ula ah.

Hadaba Henry maka hoos shaqeyn doonaa macalin Arsene Wenger si uu mustaqbalka dhow u noqdo tababaraha kowaad ee naadiga Gunners-ka?

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>