Sida lagu qoray website-ka rasmiga ah ee kooxda West Ham United daafacooda reer New Zealand Winston Reid ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdan ka dhisan magaalada London.
Winston Reid oo ay ku raad joogeen kooxaha Man United, Arsenal iyo Liverpool ayaa u sheegay dhamaan kooxahaas inuu ku faraxsan yahay nolosha Upton Park akdib markii uu qalinka ku duugay heshiis lix sano iyo bar ah taasoo ka dhigan inuu ku sugnaan doono kooxdiisa ilaa 2021.
“West Ham waxey ku faraxsan tahay iney xaqiijiso heshiiska cusub ee Winston Reid kaas oo lix sano heshiis ah qalinka ku duugay” Ayey kooxda kusoo qortay website-keeda rasmiga ah.
Winston Reid ayaa noqonaay xidigii sadexaad ee ka mid ah safka hore kooxda oo heshiis cusub qalinka ku duugay waxaana kaga horeeyay Tomkins iyo Noble.
Ugu dambeyntii 26-jirkaan heerka caalami ayaa soo afjaray wararkii xanta ahaa ee ku riixayay kooxaha sadexda ah ee aynu kor kusoo xusnay.