Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dhaawaca Modric Miya Khedira Ku Heyn Doona Santiego Mise Saxiixa Lucas Silva Ayaa Ka Dajin Doona EPL-ka?

Dhaawaca Modric Miya Khedira Ku Heyn Doona Santiego Mise Saxiixa Lucas Silva Ayaa Ka Dajin Doona EPL-ka?


Khedira

Iyadoo aysan wali ka cadaan mustaqbalka burburiyaha Real Madrid Sami Khedira, hadana warar hor leh oo ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in xidigaan uu dalabyo xoog badan ka helayo kooxaha Manchester United iyo Arsenal kuwaas oo aan wali ka quusan helitaanka xidigaan heerka caalami.

Sami Khedira wali looma cusbooneysiin qandaraaska uu kula joogo kooxda Real Madrid, wuxuuna qandaraaskiisa ku egyahay June 2015, waana arinta ugu xooga badan oo shaki loo galiyay mustaqbalkiisa kooxda boqortooyada.

Si Kastaba Luka Modric oo ah xaliyaha khadka dhexe kooxda Real Madrid ayaa dhawaan dhaawacmay kaas oo sadex bilood garoomada ka maqnaan doona waxaana soo baxay warar sheegaya in Khedira uu xaadir ahaan doono isla markaana uu buuxin doono booska xidigaas, waxaana jirta hadalo hoose oo iyana qeexaya in kooxda Real Madrid ay heshisi la gaartay Lucas Silva oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Cruziero ee dalka Brazil kaas oo ku kacaya 9.5 Malyan Oo Pound.

Imaatinka Lucas Silva oo lagu daray joogitaanka Isco oo noqday wiilka uu Ancelotti u doortay inuu buuxiyo booska Luka Modric waxey soo dadajin kartaa inuu ka tago Sami Khedira kooxda Real Madrid.

Waxaana sidoo kale jiri karta in Ancelotti uu go’aansado in Khedira uu baaqi kusii ahaado kooxda si uu ciyaariyahankaan qeyb uga qaato dadaalka ay kooxda ugu jirto iney difaacato Champions League isla markaana hanato La Liga.

Udu gambeyntii Khedira oo si ba’an loola xiriirinayo Arsenal, Chelsea iyo Man United waxaa arintiisa ay kala cadaan doontaa bisha January, waxaana ay noqon kartaa laba arin in dhaawaca Luka Modric dartiis uu Madrid baaqi ugu sii ahaado iyo in saxiixa Lucas Silva dartiis uu ugu soo dhaqaaqo EPL-ka ama Bundesliga oo ay Bayern ka dooneyso.

Luka Modric Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Baraha Ay Croatia la galeen Italy Isreeb-reebka Euro 2016

Xidiga Cruziero (Lucas Silva) Oo La Sheegay Inuu Heshiis La Gaaray Real Madrid

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>