Ka mid noqoshada kooxda Man United wax marwalbo wadataa faa’iido dheeraad ah waxaana ka marqaati kaceyn xidigaha ku cusub garoonka Old Trafford Daley Blind, Angel di Maria iyo Radamel Falcao.
Waayo dhamaan sedexdaan laacib caanimo dheeraad ah ayay ka dhaxleyn inay xagaagan xirtaan kooxda Man United madaama ay shacbiyad dheeraad ah ku yeesheen goobaha ay bulshada ku wada sheekeestaan sida Twitter-ka iyo Facebook.
Masuulka ugu sareeyo kooxda Man United Ed Woodward ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna yiri ” Daley Blind United wuxuu kusoo biiray bishii August mudo gaaban gudaheeda 72% saaxiibiida uu ku leeyahay barta Twitter-ka sare ayay u kaceyn”
“Sidoo Kale Di Maria tan iyo markii halkan yimid magaciisa cirka ayuu galay haatana waxaan idiin xaqiijinaa in 12-jeer ka badan intii horey magaciisa aalada Google looga raadin jarin sare u kacday”
“Halka Falcao isagana 10-jeer ay sare u kacday xogtiisa laga baadi goobo barta Google!”
Sidoo kale masuulkan ayaa ka dhawaajiyay in United ay tahay kooxda ugu shacbiyada balaaran caalamka madaama ay 100-milyan oo taageero ah ay daafaha calaamka ku leeyihiin.
Ugu dambeyntii Ed Woodward ayaa ka dhawaajiyay in 51% cayaaraha Premiership-ka England ee TV-yada caalamka kooxda Man United aga daawado midaas oo ku sheegay in United kulamada ay EPL cayaarto laga daawad 200 oo dal oo daafaha caalamka ku yaalo!
Ma mooda aqristow in Man United maqaamka ay caalamka ku leedahay inaan loo dhawaan karin xitaa hadii uu meesha ka baxay Sir Alex Ferguson!!