Home » Maxaa Cusub » Di Maria Iyo Rooney Oo Hogaaminayaan Kooxda Ugu Wanaagsan EPL Todobaadkan

Di Maria Iyo Rooney Oo Hogaaminayaan Kooxda Ugu Wanaagsan EPL Todobaadkan


EPL

Kulamadii 12-aad ee horyaalka England waxaa kasoo baxeen natiijooyin lala yaabay balse sidii caadada ahayd kooxda Chelsea waxay gaartay guushii la filaayay haatana wiilasha Jose Mourinho hogaanka EPL cid ku heesato ma lahan.

Wayne Rooney iyo Angel Di Maria ayaa u suura galiyay inay United guul kusoo gaarto meel ka baxsan garoonkeeda xili cayaareedkan waxayna United 2-1 kaga tilaabsatay Arsenal.

Weli wuxuu xaalka ku xun yahay Liverpool iyo Arsenal oo aad moodid inay facooda ka hareen iskaba dhaaf loolanka horyaalka waxay halis ugu jiraan inay kaalinta 4-aad waayaan.

Guud ahaan hoos kaga bogo todobaadkan iyo 11-ka xidig ee ugu wanaagsan horyaalka England:

Goolhaye: Ben Foster (West Brom)

Daafaca: Tyler Blackett (Manchester United), Brede Hangeland (Crystal Palace), Antonio Valencia (Manchester United), Gael Clichy (Manchester City)

Khadka dhexe: Nemanja Matic (Chelsea), Leon Osman (Everton), Moussa Sissoko (Newcastle United), Angel Di Maria (Manchester United), Yannick Bolasie (Crystal Palace)

Weerarka: Wayne Rooney (Manchester United)

Labo Xog Oo Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Rooney Iyo Di Maria:

Wayne Rooney

Rooney Todobaadkan waxay u ahayd markii ugu horeesay oo uu gool ku dhaliyo meel ka baxsan garoonka Old Trafford tan bishii Maarso ee sanadkan 2014!

Angel Di Maria

Di Maria todobaadkan wuxuu baasay goolkii 20-aad sanadkan 2014 waxaana la isku daray kubadaha uu dhiibay xiligii Madrid iyo xiligan United taasi waxay ka dhigan tahay inuu yahay laacibka ugu kubad dhiibista badan sanadkan 2014 dhamaan xidigaha ku sugan 5-horyaal ee qaarada Yurub ugu caansan!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>