Home » Maxaa Cusub » Dib U Dhiska Liverpool Oo Ka Bilaaban Doono 4-Saxiix Oo Ay Dhawaan Kooxdan Sameyn Doonto

Dib U Dhiska Liverpool Oo Ka Bilaaban Doono 4-Saxiix Oo Ay Dhawaan Kooxdan Sameyn Doonto


Ings

Kooxda Liverpool waxay ku guul dareesatay inay xili cayaareedka dambe ka qayb qaadato koobka horyaalada Yurub kadib markii ay kaalinta 5-aad kaga dhameesatay Premiership-ka England.

Inkastoo macalin Brendan Rodgers uu ku guul dareesatay guushii xili cayaareedkii hore oo kale inuu xili cayaareedkan Reds u horseedo hadana maamulka kooxdan ayaa macalinkan siin doonaan waqti kale ee uu shaqadiisa garoonka Anfield kaga sii wato.

Sidaa darteed The Times ayaa sheegay in Liverpool ay sameyn doono 4-saxiix oo kala duwan todobaadyada nagu soo fool leh weliba sedex cayaaryahan kooxdan si xor ah ayay ugu imaan doonaan.

Weeraryahanka kooxda Aston Villa Christian Benteke ayay Liverpool la saxiixan doontaa weliba waxaa ka diyaar ah £30m waana qiimaha ay kooxda Villa xidigan kaga samri karto.

James Milner ayaa si xor ah Anfield ku imaan doono madaama uu qandaraaskiisa kooxda Man City dhamaaday sidoo kalena weeraryahanka naadiga Burnley Danny INGS isaga Liverpool heshiis hordhac ayuu la gaaray wuxuuna horaanta bisha kooxdan ku imaan doonaa si xor ah.

Ugu dambeyntii goolhayaha naadiga Fiorentina Neto ayaa isagana doortay ku biiritaanka Liverpool wuxuuna Premiership-ka England xidiga reer Brazil ku imaan doonaa si xor ah madaama uu qandaraaskiisa kooxda Viola dhamaaday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>