Macalinka reer Holland ee leyliya kooxda Sunderland Dick Advocaat ayaa ka dhawaajiyay sheeko layaab leh oo ka jirta qoyskiisa kadib markii uu saxaafada la wadaagay in xaaskiisa ay furi doonto hadii uu sii joogo Sunderland xagaaga soo aadan.
Dabcan Advocaat wuxuu dareensiiyay dadka in xaaskiisa aysan raali uga aheyn inuu shaqadaan si joogto ah u qabto.
Advocaat wuxuu heshiis mudo gaaban la galay maamulka Sunderland kadib markii ay iska ceyriyeen Gus Poyet waxeyna kula heshiiyeen kaliya inuu kooxda leyliyo ilaa dhamaadka xagaagan si kooxda ay uga badbaado iney heerka labaad u laabato.
Sadex guulood ayuu gaarsiiyay lixdii kulan ee ugu dambeysay taasna waxey ka saaciday iney ka baxdo hooska kooxaha heerka labaad u laabanaya walina fari kama qodna iney ka badbaado.
Advocaat ayaa la weydiiyay hadii uu heshiiska u balaarin doono Sunderland, “Maya Maya waa la i furi doonaa” Ayuu ugu jawaabay saxaafadda.
Ugu dambeyntiina arintaan ayaa ka dhigan in Dick Advocaat uu ka hayaami doono Stadium of Light marka uu xagaagan dhamaado.