Weeraryahanka naadiga Chelsea Diego Costa ayaa sheegay dhibaatada uu ku qabo kubada Horyaalka Ingiriiska kana dhawaajiyay in daafacyada kasoo horjeedaan ay marwalbo si gaar ah u ugaarsadaan.
“Markii aan Spain joogay kubad adag ayaan cayaari jiray sidoo kalena daafacyada waan dagaalami jirnay”
“Balse England xaalka sidaas wuu ka duwan yahay si ula kac ah ayay daafacyada ii dilaan sidoo kalena garsoorayaasha wax dhib ah uma arkaan dhibaatada marwalbo la ii geesto!”
“Daafacyada qaar qorshahooda wuxuu yahay inay garoonka iga saaraan balse aniga darenkeyga ayaan xakameeyaa sidoo kalena waxaan diiradaa sidii aan kubadeyda ku hormarin lahaa”
Diego Costa haatan 19-gool ayuu ka dhaliyay Premiership-ka England waxaana hogaanka horyaalka heyso kooxdiisa Chelsea balse xidigan kulankii ugu dambeeyay ayaa dhaawac soo gaaray.
Wuxuuna seegi doonaa kulamada xulkisa Spain la cayaari doono xulalka Holland iyo Ukraine madaama dhaawac dhanka muruqa hoose ah asiibay wuxuuna u baahan yahay nasiino labo todobaad ah.